King County Library System Catalog| Get a Library Card| Log In To Your Account
HOME USING THE LIBRARY BOOKS & READING RESEARCH & HOMEWORK PROGRAMS & CLASSES EVENTS ABOUT KCLS

Ka Fiiri Laybareerigaaga…gaar ahaan hadda!

Farsamooyinka Shaqada iyo Shuruudaha | Helista Shaqo | Codsashada Shaqo | Wareysiyada Shaqada | Sida Maraykanka Looga Shaqeeyo

Job Search Basics (English)

Wareysiyada Shaqada

Ka dib marka aad codsatid shaqooyin badan, waxa dhici karta in shaqo-bixiye ku weydiisto inuu kula yeesho wareysi. Taas macnaheedu waxa weeye shaqo-bixiyuhu waxa uu rabaa inuu ogaado inaad tahay qof ku haboon shaqada iyo in kale. Xiitaa haddii aad gashid wareysi, waxa dhici karta in aanad helin shaqada, sidaa daraadeed waxa muhiim ah inaad taqaanid sida loogu fiicnaado wareysiyada. Fiidiyowgan, waxad ku baran doontaa waxyaabo faa’iido leh oo aad sameyn kartid ka hor, inta lagu jiro, iyo ka dib wareysigaaga.

Wax ka baro waxa la sameeyo ka hor, inta lagu jiro iyo ka dib wareysi shaqo. Wareysiyada Shaqada

Haddii aad u baahan tahay war aad ku heshid luqaddaada hooyo, waxa jira meelo aad u tagi kartid gargaar. Hay’adahaasi waxay haystaan shaqaale ku hadla af Soomaali oo bixiya gargaar shaqo raadin iyo adeegyo bulsho oo kale oo ah bilaash ama la goyn karo. Hay’adaha u Adeegga Soomaalida

Hay’adahani waxay bixiyaan gargaar ah bilaash ama la goyn karo sida tababar farsamooyin shaqo, fasallo ah Ingiriisi ama kombiyuutar, gargaar ah muwaadinnimada iyo dheeraad. Qaar ka mid ah adeegyadaas waxa lagu bixiyaa luqado kala duwan, laakiin badi waxa lagu bixin doonaa Ingiriisi.
Gargaar Dheeraad ah |  King County Community Resources   (Ingiriisi) | East King County Resource Guide (Ingiriisi)

Ku soo dhawow Laybareeriga Degmada King County

Laamo badan oo uu leeyahay laybareerigu ayaa bixiya fasallo ama waxbarasho BILAASH AH, oo ay ku jiraan Barashada Ingiriisiga Luqad Labaad Ahaan (ESL), Barnaamijka Wakhtiga Hadadlka (Talk Time) iyo Muwaadinnimada.  Sidaa daraadeed sii mar Laybareeriga Degmada King County si aad u soo qaadatid qoraalka Wakhtiga Hadalka (Talk Brochure) oo aad u ogaatid fasallada laga bixinayo meel kuu dhow ama nagu soo booqo bartayada internetka oo ah www.kcls.org/esl/soomali/. Waxa aanu rajeynaynaa inaan dhakhso kuu aragno.

Marka aad haysatid kaadhkaaga laybareeriga, waxa aad bilaash ku isticmaali kartaa kombiyuutaradayada oo aad amaahan kartaa buugaag, CD-yo, DVD-yo iyo alaabooyin kale oo gargaar leh oo yaala laybareeriga degmadaada. Buuxi Codsiga Kaadhka Laybareeriga ee King County Library System oo raac fariimaha codsiga si aad u bilawdid.

Kani waa liiska qaar ka mid ah buugaagta, CD-yada iyo DVD-yada aad bilaash kaga amaahan kartid laybareeriga KCLS ee degmadaada si lagaaga gargaaro Ingiriisiga, farsamooyinka shaqada iyo baahiyo kale. Is qor kaadh laybareeri si aad u bilawdid. Waxa aad laybareeriyahan soo-dhaweyn leh weydiisan kartaa inuu kaa gargaaro inaad heshid alaabooyinka ku qoran liiskan ee aad rabtid inaad amaahatid.  Alaabooyinka Laybareeriga. Soomaali/Ingiriisi