|
Catalog| Get a Library Card| Log In To Your Account | ||||||
| HOME | USING THE LIBRARY | BOOKS & READING | RESEARCH & HOMEWORK | PROGRAMS & CLASSES | EVENTS | ABOUT KCLS | |
Ka Fiiri Laybareerigaaga…gaar ahaan hadda!
Farsamooyinka Shaqada iyo Shuruudaha |
||
![]() Wax ka baro farsamooyinka shaqo ee shaqo-bixiyeyaashu rabaan, noocyada shaqo ee aad heli kartid, sida mihnad uga duwan tahay shaqo, muhimadda farsamooyinka luqadda Ingiriisiga iyo dukumeniyada sharci ah. Farsamooyinka Shaqada iyo Shuruudaha
Hay’adahani waxay bixiyaan gargaar ah bilaash ama la goyn karo sida tababar farsamooyin shaqo, fasallo ah Ingiriisi ama kombiyuutar, gargaar ah muwaadinnimada iyo dheeraad. Qaar ka mid ah adeegyadaas waxa lagu bixiyaa luqado kala duwan, laakiin badi waxa lagu bixin doonaa Ingiriisi. |
||
Ku soo dhawow Laybareeriga Degmada King CountyLaamo badan oo uu leeyahay laybareerigu ayaa bixiya fasallo ama waxbarasho BILAASH AH, oo ay ku jiraan Barashada Ingiriisiga Luqad Labaad Ahaan (ESL), Barnaamijka Wakhtiga Hadadlka (Talk Time) iyo Muwaadinnimada. Sidaa daraadeed sii mar Laybareeriga Degmada King County si aad u soo qaadatid qoraalka Wakhtiga Hadalka (Talk Brochure) oo aad u ogaatid fasallada laga bixinayo meel kuu dhow ama nagu soo booqo bartayada internetka oo ah www.kcls.org/esl/soomali/. Waxa aanu rajeynaynaa inaan dhakhso kuu aragno. Marka aad haysatid kaadhkaaga laybareeriga, waxa aad bilaash ku isticmaali kartaa kombiyuutaradayada oo aad amaahan kartaa buugaag, CD-yo, DVD-yo iyo alaabooyin kale oo gargaar leh oo yaala laybareeriga degmadaada. Buuxi Codsiga Kaadhka Laybareeriga ee King County Library System oo raac fariimaha codsiga si aad u bilawdid. Kani waa liiska qaar ka mid ah buugaagta, CD-yada iyo DVD-yada aad bilaash kaga amaahan kartid laybareeriga KCLS ee degmadaada si lagaaga gargaaro Ingiriisiga, farsamooyinka shaqada iyo baahiyo kale. Is qor kaadh laybareeri si aad u bilawdid. Waxa aad laybareeriyahan soo-dhaweyn leh weydiisan kartaa inuu kaa gargaaro inaad heshid alaabooyinka ku qoran liiskan ee aad rabtid inaad amaahatid. Alaabooyinka Laybareeriga. Soomaali/Ingiriisi |